4026 Views

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 9, 2016: Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo qaabka ay u dhici doonaan doorashooyinka sanadka.

Sida wararka ay sheegayaan Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Galmudug uu ku sugan yahay Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi u furi doona shirka gelinka dambe ee maanta, waxaana lagu wadaa in Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada shir gaar u ah ay yeeshaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ay isla qaadaa-dhigi doonaan qorshaha doorashooyinka, qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada, waxaana shirkan noqon doonaa mid xasaasi ah oo jiritaankiisa uu qatar galo.

Arrimaha muhiimka ah ee shirka lagu soo qaadi doono ayaa waxaa ka mid ah heshiiskii dowladda Federaalka iyo Puntland ee 3-dii bishan lagu saxiixay Garowe, kaasoo awood badan siinayay Puntland, gaar ahaan dhinaca doorashada.

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in Hogaamiyeyaasha Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan halka ay ka dhaceyso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, si loo doorto meel munaasib ku ah amni, waxaana laga yaabaa in dooda qodobkaas uu noqdo kan ugu dhibka badan, maadaama heshiiska Garowe uu qeyb ka ahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor inta aan la saxiixin heshiiskii Garowe soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in qodobada qaar looga hadli doono shirka Madasha wadatashiga ee Hogaamiyeyaasha qaran.

Maamul goboleedyada kale ayaa iyana la filayaa inay heshiiskaas qeyb ka noqdaan, isla markaana galaan-gal ku yeeshaan soo xulida Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka iyo Aqalka sare.

Waxaa lagu wadaa in shirka marka uu soo gaba gaboobo laga soo saaro war murtiyeed ku aadan qaabka doorashooyinka u dhacayaan, si loo soo xulayo Baarlamaanka bedeli doona Baarlamaanka hada jira ee waqtigiisa dhamaanayo.

Hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa qodobada qaar ee looga hadlayo shirarkan inuu ka dhasho kala aragti duwanaan, maadaama maamul kasta uu ujeedo gaar ka leeyahay doorashada soo socota.

Waxaa kale ee laga yaabaa in dhibaata siyaasadeed ee hor leh ay ka dhalato Madashaan oo la isku afgaran-waayo. Dadka ayaa u arko in arrintaan ay tahay mid an dorasho lagu gaarin karin, balse ay noqoto Aayadi ugu horreeysay ee dagal sokeeye, kasoo ka dillaci-doono Gobollada qaarkood.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment