2877 Views

Kulankii Baarlamaanka oo maanta dib u dhacay

Kulankii Baarlamaanka oo maanta dib u dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 2, 2016Kulanki Barlamaanka ayaa maanta dib u dhacay, kaas oo su’aalo ku weydiin lahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, kadib markii Sabtidii la soo dhaafay uu Baarlamaanka hor-geeyay hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2016ka.

Kulankan ayaa Omar C/rashiid su’aalo laga weydiin lahaa qodobada hanaanka doorashooyinka ee 12-kii bishii hore ku heshiiyeen Madaxda Soomaalida, iyadoo qodobadaas ay ka soo baxayaan dhaliilo loo jeedinayo asaga.

Dib u dhaca kulanka maanta waxaa sabab u ahaa markii shaqaalaha dowladda la fasaxay muddo labo cisho ah, maadaama shalay ay ku beegneyd 1-da May oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in dib u dhaca kulanka maanta ee su’aalaha lagu weydiin lahaa Ra’iisul Wasaaraha ay tahay, iyadoo shaqaalaha dowladda ay fasax yihiin, Baarlamaankana ay qeyb ka yihiin inta la fasaxay.

Baarlamaanka ayaa maalmaha soo socda ka doodi doona hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2016 ka dhacaya dalka, waxaana lagu wadaa in qodobada qaar wax wax laga bedelo, maadaama uu awood siinayo Madaxda Maamul goboleedyada.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment