4665 Views

Mudane C/salaan Cumar Hadliye oo ka hadlay gabar isku gubtay Nauru

Mudane C/salaan Cumar Hadliye oo ka hadlay gabar isku gubtay Nauru
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 4, 2016C/salaan Cumar Hadliye Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya la socoto gabar 21 jir Soomaali ah oo isku gubtay xero qaxooti ku taal Jaziirada Nauro oo ku dhow Australia.

hadliye-280x175

 

Hodon Axmed Barre ayaa horay looga soo celiyay Australia, iyadoo dowladda Australia ay sharci adag ka soo saartay qaxootiga.

“Waa la soconaa gabar 21 jir ah oo is gubtay, si ay u tusto dareenka dadka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee qaxootiga ee dhegaha laga xirtay, dowladda Soomaaliya waa la socotaa in Australia ay diiday in qaxooti dalkeeda soo galaan”ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Mr Hadliye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii xaalada dalka loo hagaajin lahaa, isagoo xusay in aanay dalalka caalamka ka qarsooneyn xaalada dalka uu ku sugan yahay waqtiga hadda lagu jiro.

Qaxootiga ku nool Jasiiradan ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dalal badan oo caalamka, iyadoo dad gaaraya afartameeyo ay ku jiraan xeryaha, dadkan ayaa doonayay inay galaan dalka Australia hase yeeshee dowlada Australia ayaa geysa dadka qaxootiga ah jasiiradan.

Dadka xiradaan ku jira qarkood ayaa laga diiday in ay ku nooqdaan dalalki ay ka yimaadeen, hasa yeeshee Dowlada Australia waa ay ka diiday. Sababta weli lama garan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment