3585 Views

Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka ee lagu howlan yahay xuliddiisa

Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka ee lagu howlan yahay xuliddiisa
____________________________________________________________________________

Stockholm , Sweden : Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye ayaa kaga dhawaaqay dalka Sweden kulan uu kula yeeshay Jaaliyadda Beesha uu ka soo jeedo inuu musharax u yahay xubinnimo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lagu howlan yahay xuliddiisa.

S/Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in ku dhawaaqista musharaxnimada xil Xildhibaannimo ay ka dambeysay soo jeedin ka timid qeybaha kala duwan ee Beesha uu ku heybtirsado .

Hadal uu u jeediyay jaaliyadda beeshiisa, ayaa waxaa ka mid ahaa “Anigoo ah S/Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye Ex. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (Feb.2011/Apr.2013) oo ka soo jeeda Beesha Tunni Shangamaas , gaar ahaan “Dacfaraad”, waxaan Ummadda Soomaaliyeed & Mujtamaca Tunni Shangamaas, meel kasta ha joogaanee u sheegaayaa in aan Musharax u ahay hanashada Xilka Xubinnimada Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee 2016 ee Beesha Dacfaraad ”.

Dr-Shariif-Sheekhuna-1

“ Sida runta ah, qaar ka mid ah Odeyaasha Beesha Tunni Shangamaas, waxgaradka, siyaasiinta, culumaa’udiinka iyo indheergaratada Mujtamaca Reer Baraawe, ayaa igu cadaadiyeen in aan isu sharaxo jagadaas, kadib markii ay qiimeeyeen in aan ahay aqoonyahan iyo siyaasi u dhuun duleela xaaladda guud ee dalka, muddo aad u dheerna ku dhexjiray maamulka dalka, si daacadna u adeegay bulshada Soomaaliyeed, guulo aan la soo koobi karin, dhinaca sugidda amniga & la dagaalanka kooxda nabaddiidka ah ee Al-Shabaab xilligii aan ahaa Taliya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hawlahaas oo aan ku mutaystay abaalmarinno, ammaan & shahaado sharaf ”.

“ Haddii aan ku guuleysto Xubinnimada Barlamaanka, waxaan ballan qaadaaya in aan si daacadnimo, xilkasnimo, aadaninnimo iyo Soomaalinnimaba ula shaqayn doono Xildhibaannada, xubnaha dowladda iyo kuwa garsoorka, si si dalka iyo dadka loogu soo dabaali lahaa nidaamka iyo kala dambeynta . Waxaan ka shaqeynayn doonaa xoojinta sugidda amniga, nabadgelyada & nabad-ku-wada noolaasha, iyadoo la ogyahay in colaad, dagaal, xasilooni darro iyo is-qab-qabsi aan horumar lagu gaarin, sidaas darted, waxaa loo baahan-yahay in wax kasta si wadajir looga wada shaqeeyo”.

Dr-Shariif-Sheekhuna-2

“ Waxaan si wadajir ah uga wada shaqaynaynaa in Federaalku uusan noqonin mid wax yeeleeya Ummadda Soomaaliyeed, laakin waa in uu noqdo mid u adeega isku keenidda ummadeena, diiradana saara in mar kale ann cagaheyna ugu istaagi lahayn. Waxaan aaminsanahay in Xildhibaannada cusub ay ka duuwanaan doonaan kuwii hore, isla markaana ay ka koobnaan doonaan aqoonyahaano badan oo waxtar u leh shacabka soomaaliyeed”.

“ Taariikh nololeydkayga, kartideyda, sharaftayda, waxqabadkayga, daacadnimadayda iyo cadaalad falkeyga waxaan u deynaaya bulshada soomaaliyeed inta i taqaana, Saraakiisha iyo Ciidankii aan hoggaaminaayay iyo Madaxda sare ee Qaranka in ay ka warbixiyaan”.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment