3153 Views

Shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo Muqdisho loo soo wareejinayo

Shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo Muqdisho loo soo wareejinayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 11, 2016: Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa la qorsheynayaa in laga soo wareejiyo Jowhar oo loo soo raro Muqdisho, si loo dedejiyo dhismihiisa.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqeejiyay in qorshaha shirka loogu soo wareejinayo magaalada Muqdisho uu yahay mid gabo gabo ku dhow.

Wararka qaar, ayaa intaa ku daraya in arrintan looga gol leeyahay in qaar ka mid ah beelaha reer Hiiraan lagu qanciyo inay shirka ka qeyb galaan, kadib markii ay horay u diideen inay Jowhar tagaan.

Urur IGAD, ayaa la sheegay inuu soo jeediyay qorshayaal dhowr ah oo la xiriira dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ka mid ahaa in shirka loo soo raro caasimadda Muqdisho.

Warar kala duwan, ayaa sheegaya in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho lagu xareyn doono ergooyin matalaya labada gobol, kuwaasoo dooranaya Madaxweynaha.

Qaabka loo marayo dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la mid noqon doona qaabkii loo maray dhismaha Maamulka Koofur Galbeed oo ergooyin la xareeyay ay doorteen Madaxweyne Shariif Xasan Sh. Adan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qorsheyneysa in todobaadka soo socda la ambaqaado wajiga xiga ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana la qorsheynayaa in la dhiso ka hor inta aan la gaarin doorashada soo dhaw.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment