3429 Views

Madaxweynaha oo qurbajoogta ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan dib u dhiska dalka

Madaxweynaha oo qurbajoogta ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan dib u dhiska dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 August 15, 2016 (Villa Somalia) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqey qurbajoogta Soomaalida inay sii labanlaabaan dadaaalkooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta waddankooda hooyo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xafladdii xiritaanka Shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

“Qurbajoogta dadaal badan oo muuqda ayay sameeyeen si ay waddankooda wax ugu qabtaan, doorka ay cayaareenna waa mid dalka wax badan ka beddelay. Fariinta aan u dirayaa dhammaan qurbajoogta waxay tahay inay shaqada wanaagsan ee ay hayaan ay meesha ka sii wadaan, inay midnimadooda adkeeyaan iyo inay saameyn waxtar leh ku yeeshaan waddamada ay ku nool yihiin’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay wax badan qabatey, balse ay weli jirto shaqo badan oo qabyo ah.

“Markii dowladdan ay talada la wareegtay waxaa ay dadaal u gashey inay qabato inta badan hawlihii laga sugayey dowladihii ku meel gaarka ee dalka soo marey, duruufo iyo caqabado soo wajahay xilligooda awgood. Waxaan aaminsanahay inaan hore u socono, haddii aan wada shaqeynana aan Soomaaliya meel sare wada gaarsiin karno’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii dalku u yeelan lahaa hay’ado dowli ah oo sal adag, isla markaana qeyb ka qaata dhismaha Soomaaliyada cusub ee tiirarkeedu noqon doonaan dimoqraadiyad, caddaalad, horumar, isla xisaabtan iyo nabad ku wada noolaansho.

Waxaa Madaxweynaha ka hor , halkaasi ka akhriyey War Murtiyeedka shirka, Zakariya Yuusuf oo ka mid ah xubnihii qurbajoogta ee ka soo qeybgashey shirka lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

md-xasan-aman-qurbojoogta-7 md-xasan-aman-qurbojoogta-6 md-xasan-aman-qurbojoogta-8 md-xasan-aman-qurbojoogta-4 md-xasan-aman-qurbojoogta-5 md-xasan-aman-qurbojoogta-10 md-xasan-aman-qurbojoogta-9 md-xasan-aman-qurbojoogta-1 md-xasan-aman-qurbojoogta-2 md-xasan-aman-qurbojoogta-3

.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment