5541 Views

Ahlusuna oo diiday in ay la hadasho Maamulka Galmudug

Ahlusuna oo diiday in ay la hadasho Maamulka Galmudug
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, August 18, 2016: Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa diiday wada hadal ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka inay la gasho Maamulka Galmudug, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu u joogo Cadaado sidii wada hadalo uga dhex bilaabi lahaa labada dhinac, balse Ahlusunna way ka madax adeegeen.

 

C/llaahi Diirshe daacad oo ka mid ah Madaxweyne kuxigeenada Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wada hadal loo furayo iyaga iyo Galmudug.

“Haba yaraatee waa waxba kama jiraan warkaas, waa war loogu tala galay in bulshada dhagaheeda lagu jahwareeriyo, wax sal iyo raadna lehna ma ahan wada hadalada la sheegay”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Ahlusuna.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay dhibaatada u sii kordhineyso Gobolada Dhexe, ayna daacad ka aheyn waxa ay wado.

Sidoo kale waxaa uu xusay in maamulkooda uu ka kooban yahay Hiiraan, galgaduud, iyo Mudug, sidaas darteed bulshada gobolada dhexe ay sidaas doorteen, isagoo tilmaamay in cida maamulkooda naaquska ah la garanayo.

C/raxmaan odawaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, oo maalmahan ku sugan Cadaado ayaa kala hadlayay Maamulka Galmudug, sidii dib loo bilaabi lahaa wada hadalo u dhaxeeya Ahlsuna iyo Galmudug, taas oo an hadda qurux badnayn.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment