4866 Views

Wariye ka tirsan idaacadda Shabeelle oo maqribki Muqdisho lagu dilay

Wariye ka tirsan idaacadda Shabeelle oo maqribki Muqdisho lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 27, 2016: Rag ku hubeysan bastoolado ayaa maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho ku dilay wariye ka tirsanaa idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha la dilay oo lagu magacaabayay C/Casiis Maxamed Cali Xaaji ayaa kamid ahaa wariyaasha Idaacadda Shabeele, waxaana dilkisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysan oo an la aqaanin halka ay ka tirsanyihiin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wariyaha lagu dilay agagaarka Jiiro Garoob oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ka tirsan.

Ilaa hadda lama granayo sababta dilka wariyaha ka dambeysa, balse kooxxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta falka uu ka dhacay ayadoo an weli la qaban.

Idaacadda Shabeele oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa la dilay wariyaasha ugu badan ee lagu dilay magaalada Muqdisho, ayada oo la sheegay si gaar ah loo bartilansanayay.

Halkaan ka la soco wixi soo kordha.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment