3090 Views

QM oo ka hadashay qaabka ay doorashooyinka u socdaan.

QM oo ka hadashay qaabka ay doorashooyinka u socdaan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 23, 2016: Danjire Michael Keating, wakiilka Qaramada Midoobay ee arrrimaha Soomaaliya, ayaa si aad ah u bogaadiyey doorashada aqalka hoose ee baarlamanka ee ka socota xarumaha dowlad gobaleedyada dalka oo dhan.

Waraysi gaar ah oo uu siinaya Warbaahint Qaranka ayuu ku sheegay in ay tahay wax la bogaadiyo doorashooyinka marka loo eego sida ay wax u socdaaan, iyo suurta galnimada sida ay ku qabsoomi karto doorasho noocaan oo kale oo ay dadbadan su’aalo gelinayeen markii hore.

“Waxaan leeyahay hambalyo, doorashadana si wanaagsan oo lagu farxo ayey u socotaa, boqolkiiba 40 wax ka badan ayaa ku soo baxay oo Xildhibaano noqday, waxaana ay isugu jiraan, kuwa cusub oo da’yar wiilal iyo gabdho leh iyo kuwa hore oo da’ah intaba”, ayuu yiri Keating.

Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd suurta galnimada in doorashada madaxtinimo markale dib u dhacdo ayuu sheegay in rajo wayn uu ka qabo in wakhtigeeda ay dhacdo balse aanu meesha ka saari karin dib u dhac ku yimaada wakhtiga loo madlan yahay oo ah bishan November 30-keeda.

Ambassador Keating, ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta colaada magalada Galkacyo ee uu nabadaynteeda awgeeda laba jeer u tagay, si la’isugu dab-qaado heshiis rasmi ah oo xabbad joojineed-na ay u gaaraan maamulada Puntland iyo Galmudug.

“Sheekada Gaalkacyo waa mid adag waxaana la’isku hayaaa arrimo dhawr ah oo la xiriirta muran dhul, mid kheyraad iyo dastuuri intabada, waxaana jiray heshiis nabbadeed oo 1990-meeyada lagaaray, balse hadda waxaa jirtay dadaalo labada hogaamiye Guleed iyo Gaas meel la’isugu keenay, ra’isul wasaaraha ayaa goob jog ahaa, ana laba jeer ayaan u tagay arrimaha nabbadda magaaladaasi, waana in ay bulshada ku dhaqan oo idil ay ka qayb qaataan nabbadeynta magaalada Gaalkayo.”

Ugu danbeyn Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xaalada abaraha ee ku dhuftay qaybo badan oo dalka kamida ah, wuxuuna xusay in Qaramada Midoobay ay diyaar la tahay iney ka jawaabto baahidaas beni’adanimo balse dawlada Soomaaliya iyo maamulada laga donayo in ay diyaariyaan jawi dadkaasi lagu gaari karo, si logu gurmado.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment