3960 Views

FAAH-FAAHIN Cusub iyo Khasaarihii uu geystay Qaraxii ka dhacay Xarunta UNDP ee Muqdisho

FAAH-FAAHIN Cusub iyo Khasaarihii uu geystay Qaraxii ka dhacay Xarunta UNDP ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 4, 2017 – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Qaraxii Arbacadii maanta ka dhex dhacay xarunta UNDP-da ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyaha seddex qof oo mid ka mid ah uu yahay taliyaha Ciidamada Soomaalida ee xarunta UNDP ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo goobta qaraxa uu ka dhacay tagay ayaa xir-xiray Lix Qof oo ku sugnaa Garaash Baabuurta lagu xareeyo oo ku yaalla KM-4, waxaana la sheegay in Gaariga Qaraxa lagu soo xiray uu Xalay ku Hoyday Garaashka.

Waxaa weli socda howlgal ballaaran oo ay wadaan Ciidamada, kaasi oo Baaritaan ku wada Dadka laga soo qabtay Garaashka, iyadoo ay weydiinayaan waxa ay ka ogyihiin Gaariga Xalay Gaarsha ku hoyday,haddana Saakay Qarxay.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho. waxaana wali socda Baaritaan xoogan.

.

Xigasho: Horumar Online
___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment