4128 Views

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxay ka wada hadleen? Daawo Sawirada

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxay ka wada hadleen? Daawo Sawirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 18, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka dhax maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Moussa Faki Mahamat ayaa looga hadlay sidii Midowga Afrika u taageeri lahaa dowlada cusub iyo sidoo kale arimo la xariira abaaraha dalka ka jira iyo sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka abaartu saameysay.

Labada Masuul ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadlay arimo la xariira xoojinta amaanka gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee maamusha qeybo kamid ah Soomaaliya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya dioorashadii uu ku guuleestay, waxa uuna u balan qaaday in wada shaqeyn dhaw la yeelan doonaan dowlada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaarayay masuuliyiin kala duwan tan iyo markii la doortay Madaxweyanha cusub ee Soomaaliya, waxaana xubnaha yimid kamid ahaa Xoghaya guud ee Qaramida Midoobey iyo Xoghaya arimaha dibada Britain.

kulan-farm3 kulan-farm5

faki_1 faki_2 faki_3

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment