2541 Views

Bankiga Adduunka oo Malaayiin Dollar ku bixinaya Abaarta ka jirta Soomaaliya

Bankiga Adduunka oo Malaayiin Dollar ku bixinaya Abaarta ka jirta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017 — Bankiga aduunka ayaa ururrada gargaarka siinaya konton milyan oo doollarka Mareykanka ah, lacagtaas oo loogu talo galay in gargaar degdeg ah lagu gaadhsiiyo Soomaaliya, oo sanado badan ay abaaro daashadeen.

Guud ahaan Geeska Afrika ayay abaartu ku dhufatay, iyadoo lix iyo labaatan iyo badh milyan qof ay gaajo hayso.

Gobolka ayaa wajahaya xaalad cunno yaraan ah tii ugu darneyd. Macaluul ayaa ka jirta South Sudan. Gargaarka cunto ee la siiyo Itoobiya ayaa ku eg bisha soo socota. Balse qaybo kale oo dunida ah ayaa waxaa ka jira baahiyo daran iyada oo gargaarkuna uu ku yar yahay. Sidaa daraadeed bankiyada horumarineed oo sida caadiga ah dalalka deymiya lacago loogu talo galay dhismaha iyo mashaariic kale ayaa haatan xaaladda soo fara gelinaya si ay caawinaad ugu fidiyaan dadka gargaarka u baahan.

Bishii hore, Bankiga Horumarinta Afrika, ayaa sheegay inuu bixin doono in ka badan hal bilyan oo doollarka Mareykanka ah si uu gacan uga geysto la dagaallanka abaarta ka jira qaaradda.

Bulshada dibadda ku nool, ganacsatada gudaha iyo kooxo kale ayaa sidoo kale samaynaya waxay awoodaan. Lacagaha dibadda laga soo diro ayaa wax weyn qabtay. Balse xawaaladaha qaarkood ayaa waxaa saameyn ku yeeshay xasaradaha bankiga oo micnaheedu yahay inay la daalaa dhacayaan inay si hufan u shaqeeyaan.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment