3315 Views

Shan askari oo ku geeriyooday iska hor imaad ka dhacay Muqdisho

Shan askari oo ku geeriyooday iska hor imaad ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 26 July 2017— Waxaa la sheegayaa in shan askari ayaa ku geeriyooday iska hor imaad goor dhow ku dhex martay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ciidamo ka tirsan Madaxtooyada iyo kuwo kale ee ka tirsan Nabadsugida “NISA”.

Warar badan ayaa ka soo baxaya iska hor imaadkan oo ah kii 3aad oo saacado gudahood laba meelood ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhex mara ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka ka dhacay Tiyaatarka agagaarkeeda, ayaa ka dambeeyay, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada ay maanta duhurkii joojiyeen gaari ay la socdeen ciidamada nabadsugida oo marayay Isgoyska Ceel Gaabta, xilligaasoo wadada ay xirneyd in muddo ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya, muran ka dhashay marida wadada uu dhex maray labada ciidan, intaas kaddib ay is rasaaseyn ka dhex dhacday labada ciidan, kaasoo ay ku geeriyooday labo askari, mid kalena ku dhaawacmay.

Iska hor imaad kale oo u muuqda inuu daba socdo kii ka dhacay Isgoyska Ceel Gaabta ayaa Ciidamo ka tirsan madaxtooyada iyo Nabadsugida ku dhex maray agagaarka Tiyaatarka, halkaasoo muddo kooban ciidamada isku rasaaseynayeen, jidkuna u xirraa.

Halkaas saddex askari ayaa la sheegay inay iska hor imaadkaas ku geeriyoodeen, halka tiro kalena ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka dhex maray Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Nabadsugida uu ku dhintay Sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Ciise Jiijiile oo ahaa Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Xiisad ayaa weli ka taagan wadada hor marta Madaxtooyada, halkaas oo ay soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada.

Barqadii hore ee saaka ayay aheyd markii ciidamada xasilinta oo howl gal ka wada degmada Wadajir, gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ay isku dhaceen ciidamo kale oo ka tirsan Milateriga, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhanba ah.

Sida badan, isku dhacyada dhex mara Ciidamada ayaa ah kuwo joogto ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana sababa is faham la’aan iyo Ciidamada kala duwan ee dowladda ee ka amar qaata Talisyada ciidan ee kala duwan, isla markaana u dhaqma sidi ciidan an Dowlada ka amar qaadanin.

W/Q: Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment