3339 Views

Waa maxay farqiga u dhaxeeya guddiga dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ?

Waa maxay farqiga u dhaxeeya guddiga dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ?
____________________________________________________________________________

 Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Gudoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay farqiga udhexeeya Gudigooda iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dib e eegista Dastuurka maadaama shaqadooda aysan sidaasi usii kala duwaneyn.

Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa warbaahinta Muqdisho ugu sheegay ineysan jirin wax isfaham daro ah oo udhexeeya Guddigooda, Guddiga Madaxa Banaan iyo Wasaarada Dastuurka Soomaaliya oo ay ka wada shaqeynayaan arimaha Dastuurka.

Waxa uu sheegay ineysan kala maarmin labadooda Guddi ayna iskala shaqeynayaan sidii Kumeelgaarnimada looga saari lahaa Dastuurka marka Afti loo qaado kadib.

Gudoomiye Qeybdiid ayaa Todobaadan Faroole kaga Guuleystay 2 Cod doorasho ka dhacday Xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaa wax dooranayay 10 Xildhibaan oo kamid ah labada Aqal ee Baarlamaanka oo ay kujireen labaii Musharax ee tartameysay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment