2676 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray New York

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray New York
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  September 19, 2017— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb galayo shirka Golaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Ruushka Sergei Lavrov, waxana ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheere ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Mudane Khayre ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Isagoo ka hadli doono horumarka ballaaran ee dhowrkii mudadii la soo dhaafay ay gaartay dawladda Soomaaliya.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment