2904 Views

Micheal Keating iyo Raysal Wasaare Kheyre oo kulmay

Micheal Keating iyo Raysal Wasaare Kheyre oo kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 03, 2017 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u jooga dalka Soomaaliya Michael Keating.

Kulanka oo ahaa mid qaatay saacad iyo wax ka badan ayaa labada masuul waxa ay kaga wada hadleen guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumarka ay dowladda ku talaabsaneyso iyo la dagaallanka ururka Al-shabaab.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa amaanay siyaasadda dawladda ee ku dhisan horumarka iyo ladagaallanka musuq maasuqa.

Sidoo kale Keating ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay sii xoojineyso taageerada ay siineyso Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo gaaro hormaro la taaban karo.

Ugu dambeyntii Xasan Cali Khayre Ra’isuul Wasaaraha dalka ayaa Qaramada Midoobay gaar ahaan Micheal Keating ku ammaanay dadaalka ay ku doonayaan in Soomaaliya ay ku soo laabato dhabihii guusha.

11 SAAAA

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment