2262 Views

Madaxweyne Erdogan oo maanta booqanaya Iraan

Madaxweyne Erdogan oo maanta booqanaya Iraan
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayid Erdogan ayaa maanta booqanaya Dalka Iraan,halkaas oo uu kula kulmayo  Madaxweyne Xasan Ruuxaani iyo hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan Ayatullahi Cali Khamanii.

Booqashada Madaxweyne Erdogan ayaa la sheegayaa in ay daaran tahay go’aankii dhawaan Kurdiyiinta Ciraaq ay aftida madaxbanaanida ugu qaadeen Waqooyiga Dalka Ciraaq,taas oo saameyn taban ku yeelan karta dalalka Turkiga iyo Iraan.

Dowladaha Turkiga iyo Iraan ayaa ka soo horjeeda in Kurdiyiinta ay ka go’aan dalalka Ciraaq,Syria,Armenia,Turiga iyo Iraan oo ay kurdiyiinta degaan.

Sidoo kale Booqashada Erdogan ayaa ajendayaasha waxaa ka mid ah xiriirka dhaqaale ee labada dal oo Sanadkii 2016kii gaaray $7Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah iyada oo saadaasha 2017 ee xiriirka labada dalna ay muujineyso $14bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment