2613 Views

Guddoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Ku Wajahan Garowe.

Guddoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Ku Wajahan Garowe.
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  24  October 2017 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay goor-dhaw ka Amba-baxaan Garoonka Diyaaraha ee magaalada Muqdisho waxayna ku wajahan yihiin magaalada Garowe ee Xarunta Puntland.

Prof. Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Xafladda furitaanka Kalfadhigii 40aad ee Xildhibaanada Maamulka Puntland oo mudooyinka fasax ku jiray.

Xubno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa KNN u Xaqiijiyay in Guddomiye Jawaari uu goor-dhaw ka Amba-bixi doono Garoonka Diyaaraha ee magaalada Muqdisho waxaana Xiligaan Garoonka diyaaradaha Garowe ka socoto qaban qaabada Xafladda soo dhaweynta Guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

Jawaari waa markii ugu horeysay ee uu tago magaalada Garowe ee Xarunta Puntland tan iyo markii loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha shacabka sanadkii 2012-kii

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Garowe ee Xarunta Puntland.

Sida ay lagu daabacay Wakaaladda Wararka Qaranak Soomaaliyeed ee SONNA Wafdigaan uu hugaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa lagu wadaa in ay Saacadaha Soo socda gaaraan Magaalada Garooowe ee Puntland ahna Xaruunta Gobolka Nugaal Soomaaliya.

Cabdi Xaashi C/laahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kala hadli doonaan arrimo ku saabsan Dastuurka Qaranka iyo hanaanka doorasho ee Soomaaliya marka la gaaro 2020.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment