3483 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta ka qeyb galaya Caleemasaarka M/weynaha Kenya

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta ka qeyb galaya Caleemasaarka M/weynaha Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  28 November, 2017 —Maanta oo Talaado ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda Wadanka Kenya waxaa ka dhaceysa Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyatta,waxaana ka qeyb galaya Caleemasaarka Madaxweynaha Wadanka Kenya Madax badan oo Afrikaan ah iyo Safiiro kala duwan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi la socda ayaa ka qeyb galaya Caleemasaarka Madaxweynaha Wadanka Kenya  Uhuru Kenyatta.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo baxay mar kale Doorashadii ku Celiska aheyd ee lagu qabtay Kenya,waxaana Doorashada ku Celiska ah qaadacay Xisbiga Mucaaradka ee uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Sidoo kale Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya waxaan Maanta ka qeyb galeyn Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga iyo Saaxiibadiis.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment