2784 Views

Shirkadda Favori oo soo bandhigtay Nashqada Hotelka ay ka dhiseyso Garoonka Muqdisho

Shirkadda Favori oo soo bandhigtay Nashqada Hotelka ay ka dhiseyso Garoonka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 09, 2017 – Shirkadda Favori LLC ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa saaka bilaabeysa isku daygii u horeeyay oo bilow u ah dhismaha Hotel casri ah oo ay ka dhiseyso gudaha garoonka diyaaradaha.

Shirkadda ayaa la sheegay inay horay dhulka garoonka uga iibsatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana taasi ay keentay is qab qabsi iyo muran ka dhashay goobta loo asteeyay in shirkadda ay Hotel ka dhisato oo ah qeybta Baabuurta la dhigto, kaasoo u dhow Terminalkii hore ee laga soo guuray.

Naqshada dhismaha Hotelka ayaa saaka lagu soo bandhigay garoonka, waxaana la filayaa in munaasabad daah fur u ah dhismaha hotelka loo qabto.

Mas’uuliyiin ka tirsan garoonka diyaaradaha iyo Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa isku khilaafay tallaabada Shirkadda Favori loogu ogolaaday inay Hotel ka dhisato gudaha Garoonka, inkastoo markii dambe is qab qabsigaas la xaliyay.

Qeybta baabuurta la dhigto ee garoonka ayaa markiiba waxaa baabuur dhigan kara illaa 120 baabuur, waxaana saaka loo diiday gawaarida inay dhigtaan goobta ay calaamadeysatay Shirkadda Favori.

Dadka ku xeel dheer arrimaha garoomada ayaa sheegaya in amni ahaan uu halis ku noqon karo garoonka in Hotel laga dhiso, meel aan sidaa uga fogeyn halkii ay diyaaradaha ay soo fariisan jireen.

Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha ayaa ku sii kordhaya dhismayaasha Hotelada iyo deegaameynta ay ka wadaan shirkadaha shisheeye, waxaana gudaha garoonka ku yaalla hotelo si casri ah loo qalabeeyay oo ay deegaan dadka ajnabiga ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment