2289 Views

Dhagayso:- Madaxweyne Farmaajo Oo Dhagax Dhigay Wado Muhiim u ah Shacabka Mudug (Sawiro)

Dhagayso:- Madaxweyne Farmaajo  Oo Dhagax Dhigay Wado Muhiim u ah Shacabka  Mudug (Sawiro)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Faramaajo oo maalintii labaad booqanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta dadweyne kula hadlay barxad ku taalla xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee koofurta magaalada.

Arrimihii uu khudbadiisa ku soo qaaday waxa ka mid ahaa in nabadda la adkeeyo.

Wuxuu ballan qaaday in dawladdiisa ay wax ka qaban doonto dhismayaasha kaabayaasha iyo mashaariicda horumarinta bulshada.

Mr Farmaajo intii uusan khudbadda jeedin wuxuu soo kormeeray goobo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen, wuxuuna amar ku bixiyey in ciidamo weli goobahaas ku sugnaa laga kaxeeyo.

Isla maanta wuxuu madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.  Berri ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo gobolka Galgaduud.

1 2 3  5

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment