1881 Views

Senator Cabdi Qeybdiid “Kuma qanacsani gudigii loo xilsaaray baarista weerarkii lagu qaaday Gurigeyga”.

Senator Cabdi Qeybdiid “Kuma qanacsani gudigii loo xilsaaray baarista weerarkii lagu qaaday Gurigeyga”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 Maarso 2018 – Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta ka hor hadlayay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu wali raadinayo sababtii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday gurigiisa sanadkii 2017.

Sen. Qeybdiid ayaa kulanka golaha aqalka sare ka sheegay in ciidamada weeraray Gurigiisa la siisay amar qaldan oo ah in Gurigiisa lagu tuhunsanaa in uu ku jiro Ninkii ka danbeeyey Qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sen. Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada weeray gurigiisa ay ka soo baxeen Dugsiga Gen .Gordan Oo ah Xarun Ciidamada ay Imaraadka ku tababaraan.

Waxaa uu hadalkiisa raaciyay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, ay amarkan Gurigiisa lagu wareeray  bixiyeen Ciidamada Imaaraadku tababaray weerareen Gurgiisa.

Sen. Cabdi  Xasan   Cawaale Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay in wali wax jawaab uusan helin kadib weerarka Gurigiisa oo sedex bilood hada laga joogo.

dhanka kale Cabdi  Xasan   Cawaale Qaybdiid waxa uu sheegay in Uusan ku qanacsaneyn Guddiga uu Madexweynaha u magacaabay in ay baaraan Kiiska weerarka  lagu qaaday Gurigiisa 31kii December 2017 waxaana uu dalbaday in guddi isugu jira labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya loo xilsaaro.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment