2334 Views

Imaaraadka Carabta oo tababari doona Ciidamada Maamulka Somaliland

Imaaraadka Carabta oo tababari doona Ciidamada Maamulka Somaliland
____________________________________________________________________________

Hargaysa    | QOL | March 16, 2018 — Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay tababari doono Ciidamada Somaliland, kaasoo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareysi uu Wakaalada wararka ee Reuters ku siiyay Abu Dhabi ku sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood.

Imaaraadka Carabta ayaa wax jawaab ah oo cad ka bixin hadalka Muuse Biixi, hase ahaatee waxaa ay Imaaraadka Carabta ku adkeysanayaan inay boqolaal milyan oo doolar ku maalgelinayaan sanadaha soo aaddan si ay isku fidiso khad xeebeedka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in sanadkan gudihiisa ay Imaaraadka Carabta ku dhameyn doonaan Saldhigga ay ka dhisanayaan meel ku dhow garoonka diyaaradaha Berbera.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in Saldhigga Milatari oo la dhammeystiri doono inta lagu guda-jiro sanadkan ayaa suuragalin doontaa horumar dhaqaalle iyo ammaan si looga hortago kooxaha mayalka adag ee gobolka ku nool.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo goobta wareysiga lagu qaadayay oo ahayd Abu Dhabi jooggay ayaa diiday inuu sheego tirada ciidamada Imaaraatka ee saldhigan doona saldhiggaasi.

“Waxaa ammaanku ku jiraa in ciidan badan oo milatari ah ay ku sugnaadaan deegaanka”ayuu yiri Muuse Biixi

Sidoo kale waxaa uu rajo ka muujiyay in maalgashiga Imaaraadka oo uu ku jiro dhismaha garoon rayid ah oo cusub, dhismaha waddo isku xirta Berbera iyo Ethiopia ay soo kordhin doonto fursado shaqo, isagoo xusay in shaqa la’aan daran ay ka jirto deeggaannada uu ka arrimiyo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkan cod u qaaday shirkadda DP World, iyagoo ka mamnuucay dalka, waxayna laalleen heshiiska.

Muuse Biixi ayaa go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay wax lagu qoslo iyo gef siyaasadeed oo aan marnaba saameyn doonin heshiiska DP World iyo Ethiopia ay la gaareen.

Biixi ayaa carabka ku adkeeyay in Imaaraadka ay lacago badan dhigan doonaan Bankiga dhexe ee Somaliland, waxaase uu intaasi ku daray in labada dhinac aanu jirin wax heshiis ah oo ay gaareen.

Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii ugu dambeeyay xoojiyay saameyntooda siyaasadda arrimaha dibadda, iyagoo faragelin ku sameeyay Yemen, halkaasoo ciidankooda ay ka barbar dagaalamayaan Ciidamada dowladda Yemen ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta, sidoo kale waxaa ciidamo caalami ka joogaan dalalka Kosovo iyo Afghanistan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargaysa 

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment