2613 Views

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Caawa Hoygiisa Ku Booqday Guddoomiyihii Is Casilay Ee Jawaari

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Caawa Hoygiisa Ku Booqday Guddoomiyihii Is Casilay  Ee Jawaari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 12, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyre ayaa Caawa Hoygiisa ku booqday Gudoomiyihii is cailay ee Baarlaamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa horay Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu ku eedeeyey in uu daba ka riixayey mooshinkii laga gudbiyey guddoomiye Jawaari.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Kheyre Caawa ku tegay Hoyga Jawaari ayaa u muuqatay mid uu ku macsalaameynayay maadaama uu xilka ka tagayo mudo 5 sano ah oo uu soo ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka soomaaliya,iyada oo laba mar la doortay.

Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ka hor jeediyo khudbad uu ku shaacin doono in uu xilka baneynayo iyo sababihii ka dambeysay in uu is casilo.

 

n1 n3 n4

 

n5 n7

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment