2307 Views

Duqa Muqdisho oo Gurigooda ku wareejiyey Qoyska Reer Axmed Beexaani

Duqa Muqdisho oo Gurigooda ku wareejiyey Qoyska Reer Axmed Beexaani
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  24, 2019 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay ilaalinta hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed, si looga hortago wax walba oo keeni kara Caddaalad darro.

Guddooomiyaha ayaa furayaasha gurigooda ku wareejiyey qoyska Reer Axmed Xuseen Beexaani oo gurigooda ku yaalla degmada Shibis, gaar ahaan Isgoyska Beexaani si sharci darro ah loogu haystay.

Eng. Yarisow waxuu ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in meel looga soo wada jeesto wax walba oo caddaaladda wax u dhimaya, isla markaana aan loo dulqaadanayn in si sharci darro ah muwaadiniin Soomaaliyeed guryahooda looga qabsado.

“Maamulka Gobalka Banaadir waxuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda, waxaa naga go’an in caddaalad aan ku shaqayno muddadii aan joognayna waad la socotaan inta shaqsi ee guryahoodii dib u helay, taasoo ina tusinaysa sida aan diyaarka ugu nahay ilaalinta hantida shacabka, maantana waa maalin kale oo noo suuragashay in Qoyska reer Axmed Beexaani ay gurigoodii dib u helaan”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u danbeeyey dib u habeyn ku sameeyey waaxaha dhulalka Gobolka Banaadir, si loo ilaaliyo isla markaana loo hubiyo sharciyada saxda ah ee guryaha, loogana fogaado in si sharci darro ah lagu qaato guryo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment