786 Views

Goob fagaaro ah oo lagu gubay Raashin & Daawooyin dhacay

Goob fagaaro ah oo lagu gubay Raashin & Daawooyin dhacay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 27 2020—Maamulka Dowladaha Hoose Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta  meel Fagaaro ah ku gubey Raashiin iyo Dawooyin Maamulka uu sheegay inay ahaayeen kuwo dhacay.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Magaalada baydabo ayaa la sheegay inay ksuoo qabteen Raashinka iyo dawooyinka dhacay, kuwaas oo lagu iibinayay Suuqyada Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha degmada baydhabo Xasan Macalin Axmed biikole ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in Guaha Magaalada Baydhabo lagu dhex iibiyo waxyaabo dhacay, isla markaana qofkii lagu qabto ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Waxaa uu ugu baaqay ganacsatada Magaalada baydhabo inay joojiyaan ka Ganacsiga waxyaabaha dhacay  oo dhibaato u keeni kara Bulshada, ka maamul ahaana ay gui doonaan hadii ay arkaan.

Guddoomiyaha gobolka Baay Cali wardheere dooyow ayaa dhankiisa sheegay in ay si wadi doonaan howlgallada lagu baarayo dadka ka Ganacsanaya waxyaabaha dhacay si Bulshada magaalada loo badbaadiyo.

Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa horay waxaa ay meel fagaaro ah ugu gubeen Raashin noocyadiisa kala duwan, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid dhacay oo lagu iibinayay Gudaha Magaalada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post