705 Views

Dowladda Kenya oo shaacisay xilliga la furayo iskuulada

Dowladda Kenya oo shaacisay xilliga la furayo iskuulada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 07, |  2020—Kaddib bilooyin ay xirnaayeen iskuullada Kenya sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee Covid-19, ayaa waxaa haatan la shaaciyay in la furi doono 12-ka bishan October.

Wasaaradda Waxbarashada Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday in ardayda Grade 4, fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe iyo kan afaraad ee dusgiga sare ay yihiin kuwa ugu horreeya ee ku laaban doona iskuullada.

Wasiirka Waxbarshada George Magoha, ayaa warsaxaafadeed uu soos aaray ku sheegay in xilli-dugsiyeedka labaad ee ardaydaas uubilaaban doono 12-ka bisha uuna ku egyahay 11-ka December.

Ardayda ayaa fasax geli doona 24-ka December ilaa 1-da January, iyadoo xilli-dugsiyeedka sadedxaadna uu bilaaban doono 4-ta January ilaa 13-ka March.

Imtixaanaadka qaranka Kenya ayaa iyaguna la sheegay inay bilaaban doonaan March 2021, iyadoo imtixaanka dugsiga hoose ee KPCE uu bilaaban doono 22-ka March uuna dhammaan doono 24-ka March, halka imtixaanka sare ee KCSE uu bilaaban doono 25-ka March uuna ku egyahay 4-ta April.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post