1608 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo walaac weyn ka muujiyay rabshadahii maalmo kahor ka dhaca Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo walaac weyn ka muujiyay rabshadahii maalmo kahor ka dhaca Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

 Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi ayaa walaac weyn ka muujiyay rabshadahii maalmo kahor ka dhaca Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwo daacad u ah Musharaxiinta.

Bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayuu dhammaan Madaxda ugu baaqay inay wada-hadal ka yeeshaan khilaafka ka taagan doorashada oo si nabad ah lagu dhameeyo wax kasta oo qabado ah oo jira.

Caadil Bin Cabdul ayaa Madaxda kula taliyay inay is waafajiyaan danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed, iyo inay si wax ku ool ah uga qaybgalaan wadahadal dhab ah oo horseedi kara in la gaaro heshiis qaran oo ballaaran oo ilaaliya amniga.

Bayaanka kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa uu xaqiijiyay xaqiijiyey mowqifka adag ee Baarlamaanka Carabta ee ku aadan taageerida dhammaan dadaalada loogu tala galay in lagu gaaro amniga iyo midnimada Qaranka Jamhuuriyada Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo hananka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Baaqyo kala duwan ayaa iska soo daba-dhacaya oo loo dirayo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka, kuna aadan in heshiis rasmi ah laga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post