978 Views

Shir u dhexeeya farmaajo iyo beesha caalamka oo goor dhow ka furmay Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane.

Shir u dhexeeya farmaajo  iyo  beesha caalamka oo goor dhow ka furmay Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane.
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

 Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho ka bilaawday kulan u dhaxeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday  Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaan oo ay ka Qeyb galayaan Beesha caalamka ee Xarunta u ah Xalane ay iskugu yimaadeen Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane, waxaana goor dhawayd gaaray halkaas farmaajo.

Shirkan oo aan horey loo sii shaacin ayaa ka dambeeyey ka gadal markii wada-hadallo toos ah ay yeesheen qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo Villa Soomaaliya.

.

Sidoo kale Beesha caalamka oo horey u sheegtay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah iyo muddo kororsi ayaa si adag uga hortimid go’aankii ka soo baxay golaha shacabka.

Office Nairobi Kenya

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post