912 Views

Madaxweyne qoor qoor oo booqday Xero milatari oo ku Taal Duleedka Guriceel

Madaxweyne qoor qoor oo booqday Xero milatari oo ku Taal Duleedka Guriceel
____________________________________________________________________________

Jimco: October 29, 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo weli ku sugan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa galabta kormeer ku tagay xeryaha ay militeriga Soomaaliya uga suganyihiin degmadaas oo maalmihii lasoo dhaafay marti gelisay dagaallo qaraar. 

Madaxweynaha oo ay wehliyeen wasiirro, xildhibaano iyo saraakiisha ciidamada ayaa   halkaas ka jeediyay kalmado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin. Waxuuna ciidamada qalabka sida ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee waajibaadkooda ay u gudanayaan.

Ciidamada ku sugan Guriceel oo u badan Gor Gor iyo qeybta 21-aad ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajahay dagaal culus oo khasaare badan uu ka soo gaaray, waxaana badankood laga soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii si fudud ay magaalada Guriceel gacanta ugu gashay kooxda Ahlu-Sunna.

Saraakiil ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya, taliyeyaasha guutooyinka qeybtaas iyo saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa galabta madaxweyne Qoor Qoor ku wehliyey kormeerka.

Sidoo kale inta badan xubnaha golaha wasiirrada Galmudug, xildhibaano heer federaal ah oo Mahad Salaad uu ku jiro iyo maamulka degmada Guriceel ayaa qeyb ka ahaa kormeerka ciidamada ee Axmed Qoor Qoor. Odayaasha dhaqanka magaalada Guriceel ayaa shalay iyo maanta ciidamada ku wareejiyey Geel iyo raashin.

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post