537 Views

Goobtii lagu marti galin lahaa wada hadalada dhexmari doona Ukraine iyo Ruushka oo la shaaciyay

Goobtii lagu marti galin lahaa wada hadalada dhexmari doona Ukraine iyo Ruushka oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Isniin: February 28, 2022

Dowladda Belarus, ayaa sheegtay iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad.

Dowladda Ukraine ayaa oggolaatey iney diblomaasiyiin u dirto meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kaligii taliyaha dalkaasi, Alexander Lukashenko, uu diyaariyey ciidamo ku biira duullaanka lagu qaadey Ukraine.

“Goobta uu ka dhacayo wada hadalada Ukraine iyo Ruushka waala diyaariyey, waxaa la filayaa imaanshaha wufuudda,” ayaa lagu soo qorey bogga ay baraha bulshada ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Belarus, iyadoo ay warbixintu la socotay sawirka miiska dheer, oo ay ku xardhan yihiin calamada Ruushka iyo Ukraine.

Anatoly Glaz, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa yiri: “Wada hadalada waa ay bilaaban doonaan, sidoo kale, wuxuu xusay in dhammaan wufuudda ay yimaadaan goobta kulanta.”

Dowladda Ukraine ayaa tilmaantey in kulanka aaney wax natiijo ah ka soo bixi doonin, waxaa madaxweyne Volodymyr Zelensky uu isna sheegay inuusan fileynin in wada hadalada ay kasoo baxayaan natiijo wax ku ool ah.

“Sida had iyo jeer dhacda: Runtii ma rumeysni natiijada shirkaani, laakiin ha isku in  dayaan in ay wada hadlaan labada dhinac,,” ayuu yiri Zelenzky.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post