Isniin: September 6, 2021
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal kulul oo dhex maray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-shabaabg.
Dagaalkan ayaa dhex maray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxa uuna ka dhacay degaanka Bariire oo kamid ah degaannada hostaga degmada Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Bariire, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale Dadka deegaanka saxaafada u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ,isla markaana ay jiraan khasaarooyin labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay ku gaarsiiyeen khasaaro farabadan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________