3306 Views

“Waxaan qaadeynaa Tallaabo kasta oo lagu qanciyo beelaha ka carooday shirkii Jowhar”

“Waxaan qaadeynaa Tallaabo kasta oo lagu qanciyo beelaha ka carooday shirkii Jowhar”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,16 March 2016: C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo saddexdii cisho ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Beledweyn ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay ku howlan tahay sidii loo qancin lahaa dhamaan beelaha ka carooday shirkii Jowhar kuwaas oo weli xanaagsan.

Odawaa ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu magaalada Beledweyn kula qaatay xubnaha beelaha dhaliilsan shirka laga furay Jowhar, waxaana uu rajo ka muujiyay in kulamadaas ay ka soo baxaan yididiilo wanaagsan oo wax u ool ah.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo walba oo lagu qancinayo odayaashii ka carooday shirkii Jowhar, isla markaana qorshuhu yahay in dib loo bilaabo shirkii dhismaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

“Waxaa qaadi doonaa tallaabo kasta oo lagu qanciyo beelaha ka carooday shirka, waxaa is bedel ku sameyn doonaa qaabka Wasaaraddu markii hore ugu talo gashay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Shirarki maalmihii u dambeeyay Wasiirku kula lahaa magaalada Beledweyne odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa wali wax natiijo ah ka soo bixin, inkastoo Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay wali ku adkeysanayaan in aanay diyaar u aheyn inay tagaan shirka Jowhar.

Qaar ka mid ah Beelaha ku dhaqan Hiiraan ayaa horay u qaadacay shirka Jowhar, waxaana beelaha qaarkood ay saluugeen qaabkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qeybisay odayaasha soo xulaya ergooyinka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib loogu bilaabi lahaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hakad ku yimid habsami u socodkiisa, tan iyo markii shirka la furay 12-kii bishii Janaayo, 2016.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment