Muqdisho, 12 January 2016: Warar ka soo yeeray degmada Cadaado ee Galmudug, ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada maamulka Gal-Mudug ay wadaa qorshe ay xilka kaga qaadayaan M/weynaha Gal-Mudug C/kariim Xusen Guuleed oo ah arin cusub.
Shir gaar ah ayay Xildhibaanada maamulkaasi ku kala yeesheen Cadaado iyo Muqdisho waxa ay ku qaban qaabinayeen in Baarlamaanka Gal-Mudug la geeyo mooshin ka dhan ah Guuleed, taas oo ah marki ugu horeeysay uu Maamul Goboleed mooshin diyaariyo
C/kariim Guuleed ayeey Xildhibaanada ku eedeeyeen in uu dayacay howshii loo doortay isla markaana illaa iyo hadda uusan waxweyn ka qaban howlihii horyaalay oo ay ugu horeysay dib u heshiisiinta maamulkiisa iyo Ahlu-sunna
Ugu danbeyntii M/weynaha Gal-Mudug oo hadda ku sugan Kismaayo ayaa qorshahaan hoos ahaan ula socda in kastoo uusan guda galin qaabkii uu u fashilin lahaa qorshahaan hadda socda ee la doonayo in xilka looga qaado.
.
—————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________