3696 Views

Magaca iyo Astaan Calanka Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo la dalbay in la soo gudbiyo.

Magaca iyo Astaan Calanka Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo la dalbay in la soo gudbiyo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 24, 2016: Ayadoo maalmahaan magaalada Jowhar ka socoto wajiga labaad ee dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay maanta soo saartay in shacabka Soomaaliyeed u soo gudbiyaan magaca iyo astaan Calanka uu yeelanayo maamulka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha  qoraal ay soo gudbisay, ayaa looga hadlay muhiimada astaanta iyo magaca uu yeelanayo Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed ka codsaneysaa inay u soo gudbiyaan Magaca iyo Astaan Calameedka idin kula haboon in ay yeelato dowlad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Tan kale, wasaarada ayaa sheegtay in dadka soo gudbinaya magaca iyo astaanta calanka maamulka labada gobol ay ku soo diraan Ciwaanada kala ah ( info@moifa.gov.so  amawww.moifa.gov.so )

Mar dhow, ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu soo bandhigo Xildhibaanada maamulka labada gobol, iyadoo la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment