Muqdisho | QOL | June 22, 2017–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka, kaddib markii qarax ismiidaamin ah lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Wabari.
Shirkan oo uu albaabada u xiran ayaa xilligan ka socda xarunta Baarista ee madaxtooyada, iyadoo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha, waxaa goob joog ka ah Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada NISA iyo Booliska iyo Saraakiisha Ammaanka.
Warar ay heleyso QARANIMO.COM ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo amniga Muqdisho oo maalmahan faraha ka sii baxaya, iyadoo todobaadkan gudihiis uu labo qarax oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay uu ka dhacay Muqdisho.
Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in laga yaabo in la soo saaro tallaabooyin cusub oo dhanka amniga ku saabsan, iyo la xisaabtan saraakiisha ammaanka ah qaraxyadii dhacay.
Wasiirka Amniga gudaha ayaa dhowaan sheegay in sababaha loo xiray jid cadayaasha ay tahay arrimo amni, iyo kooxdii todobaadki hore weerartay maqaayadaha Pizza House iyo Posh aanay soo marin wadada laamiga, balse ay adeegsadeen jid cadayaasha.
Hase ahaatee qaraxa maanta ayaa ka dhacay Saldhiga Waabari oo ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama, halkaasoo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhowr bar ciidan oo gaadiidka lagu baaro.
Lama oga tallaabooyinka ay qaadi doonto Xukuumadda, waxaana jira dhaliilo durbaba loo jeedinayo.
Dhinaca kale qaraxa ka dhacay Saldhiga Booliska Waabari ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________