Muqdisho | QOL | November 02, 2017 — Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa ka dagtay gobolka Rakhine waana markii koobaad ee ay tagto sidii ay dhibaatadu halkaas uga billaabatay.
Saraakiisha dawladdu waxay sheegeen in ay booqanayso magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Sittwe iyo magaalooyin kale, inta ay ku guda jirto safarkeeda halka maalin ah ee aan horay loo sii shaacinin.
Waxaa aduunka oo dhan lagaga dhaliilay in aysan joojinin hawlgallada milatariga ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya, iyadoo bartanka lagaga jiro eedaymo sheegaya in ay socoto isir sifayn.
Dad lagu qiyaasay 600,000 oo reer Rohingya ah ayaa tan iyo bishii Auugust u qaxay Bangladesh.
Daganaansho la’aanta gobolka Rakhine waxaa kiciyay weeraro dhimasho sababay oo lagu qaaday saldhigyada booliiska, kuwaas oo lagu eedeeyay malayshiyo cusub oo magaceeda loo soo gaabiyo Arsa.
Tiro dad ah ayaa ku dhintay hawlgallada ay milatarigu wadaan, waxaana jira eedaymo waawayn oo ku saabsan in la gubay tuulooyin lagana saaray bulshadii qawmiyadda Rohingya ee ku noolayd.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________