7488 Views

Dhacdo Cusub: Kulanka muungaab haddaad rabto Kun bixi?

Dhacdo Cusub: Kulanka muungaab haddaad rabto Kun bixi?
____________________________________________________________________________

kulanka-muungaabMuqdisho | Agoosto 15, 2015 – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna duqa magaalada Xamar Xasan Maxamuud Xuseen “ Muungaab” ayaa wuxuu booqasho  ku yimid, dalka Switzerland oo uu joogay muddo  5 maalmood ah.

Sida markii horre la shaaciyey  wuxuu gudoomiyuhu casuumad ka helay,  duqa magaalada Baden ooh ore u tegay muqdisho,  hase ahaatee, casuumadaas ayaa ahayd  maalin keliya, waxayna dhacday maalintii Khamiista oo ay kulmeen oo ku beegnayd 13/08/ 2015.

Haddaba waxaa dhacdey, Koox  ururo ah oo markii horre ku qaraaban jiray inay  caawimada dadyawga baahan ee jooga waddanka gudihiisa” NGO”  iney  booqashadii Gudoomiyaha  Xasan Maxamuud Xuseen” Muungaab ka  furteen,  albaab cusub.

Duqa magaalada Muqdisho oo ah,   hoggaamiyaha caasimadda  ugu dhaqaalaha iyo dadka badan Soomaaliya  ayaa waxaa dhacdey,  in la kulankiisu laga dhigay, mid   lacag laga sameeyo,  iyadoo  qof walba oo danaynayey inuu la kulmo ama danno gaar ah ka lahaa laga kireeyey,   halkudhegna looga dhigay. Kulanka Muungaab  haddaad rabto Kun  bixi!

Arrintan  oo dadka qaar ka biyo diideen,  ayaan ahayn dhacdo cusub  oo sanadkii  2013ka bishii May, waxaa sidan oo kale yimid, Mudane Tarsan oo casuumad ka helay, dalka Switzerland,  hase yeeshee,  noqday fannaankii ugu qaalisanaa ee yimaada Switzerland ka dib,  markii kooxdan qandaraasleyda ah,  Albaabka sanduuq dhigteen,  iyagoo ugu magac darey, Ku caawi  Gudoomiyaha,  qof walba oo yimaadna laga qaaday, 30 Doolar lacag u dhiganta,  halkaasoo ay isugu yimaadeen, dad gaaraya 300 qof, 300X 30 oo laga sameeyey lacag  gaareysa 9000 doolar.

Ganacsigan ayaa ahaa markii horre mid sahlan oo la huwiyey waxaa lagu bixinayaa qarashaadka,  haddase waxaa dhacdey, in dad la ehel ah, iyo kuwa la asxaab ah, lagu qasbay inay bixiyaan Kun doolar,  taasoo  lagu sheegay  inuu yahay, Qarashkii ku  baxay keenistiisa, arrintan oo ka xanaajisay kana maajisay  dadka badankooda,  iyagoo is weydiinaya, Gudoomiyuhu ma is xambaar ayuu ku yimid? lama arag lamana maqal, masuul la kulmay umadiisa oo lacag lagu bixinayo,  aan ahayn taakulo ee ah, daawasho iyo la kulan,  goorma ayuu noqday, MUUNGAAB FANNAAN, lacag lagu galo Konsertadiisa?

Dhacdadan oo soo noqnoqatay, ayaa waxay ka dhigaysaa, mid  suuragelisa, in kooxahan danleeyda ahi,  ay  masuul walba oo yimaada ka dhigaan la kulankiisa   Ganacsi cusub iyo  mashruuc ay ku adeegtaan.

Waxaa dhinaca kale  qiimadhac sharafeed ay u tahay, Muungaab oo noqday, Shineemo  la kireynayo,  isagoo lumiyey masuuliyadii iyo milgihii uu huwanaa.

Masuulka  ayaa awood u leh inuu waddan walba uu doono, ku tago vise uu ka qaato safaaraddiisa uu ku leeyahay, Caasimada, sidoo kale in xafiiskiisa Pratacolku  arrintaas hawsheeda qabto, maaha wax suuragal in dad Soomaaliyeed,  looga uruuriyo, lacago qaadhaan ah iyo kuwa  Baad dadban ah oo looga gadayo aragtida iyo la kulanka Gudoomiyaha.

Dabcan qof kasta oo Kun bixiyaa kulankiisu ma noqonayo, mid ku saabsan wada sheekaysi, ee wuxuu noqon doonaa mid ku salaysan dano gaar ah, kala gadashada dhulka, fursado kale oo loo arko in marinka loo mari karaa yahay la kulanka gudoomiyaha.

Bulshada Switzerland ayaan inta badan la kulmin aragna sida wadamada,  Scandanefiyanka iyo  Ingiriiska Madax badan, ama waddanka Mareykanka,  haddana waxay noqotey Jaalliyadani mid masuulka ka yimaadda dalka kula kulanta lacag.

Dhaqamada cusub oo ku soo badanaya bulshada Soomaaliyeed, ayaa waagii beryaba leh  fajacooda iyo amakaagooda,  arrintanina waxay noqon doontaa mid wax weyn u dhinta hanka iyo hannaanka  siyaasadeed ee madaxda Soomaaliyeed.

Dr: Xayle Suudi

Xayle777@hotmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment