5055 Views

Mooshinkii Madaxweynaha ka dhanka ahaa ayaa Maxkamada Sare loo gudbiyay.

Mooshinkii Madaxweynaha ka dhanka ahaa ayaa Maxkamada Sare loo gudbiyay.
____________________________________________________________________________

Guddoonka-Baarlamaanka-280x175

Muqdisho, 2 September 2015 – Gudoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Maxkamada Sare u gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, ee  bishi hore ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ka keeneen.

Warar na soo gaaray ayaa sheegaya in Guddoonka uu go’aansaday in mooshinka loo gudbiyo Madaxweynaha, taas oo khilaaf ka dhax dhalisay barlamaanka gudahiisa, balse hada Maxkamada loo sii gudbiyay

Kulan mudo dheer qaatay kadib ee lagu kala carooday, sabatuna ay tahay in Madaxweyna marki horeba uu diidanaa in la qabto mooshinka hadana uusan la dhacsaneeyn in Maxkamada loo gudbiyo.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa kulankii Madaxweynaha ay ku kala tageen kadib waxay la kulmeen Xildhibaanadii mooshinka keenay, iyagoo ka wada hadlay qaabka suurta galka ah ee arrintan loo maareyn karo, kadib markii mudadii uu Guddoonka uu hor-yaallay mooshinka xal la gaari waayay.

Arrinta waxa ay hor taalla Maxkamada sare, mana cada go’aanka ay ka gaari-doonto. Waxan hubaal ah in ay xiisad cusub ay dhalinayso oo laga yaabo in ay mudo jiitanto.

In kastoo Mooshinka mid kale bar-bar yaallo, waxa an la ogeeyn labada mooshin kan adkaan doono, waxase laga warqabaa in Barlamaanka dhaxdiisa uu dagaal afka ah ka socdo.

____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment