4011 Views

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo tababar u furay howlwadeenno caafimaad

____________________________________________________________________________

astaanta.qaranka-426x264

Mogadishu, 03 October 2015 –Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxmaed Cabdi ayaa maanta tababar la xiriira kala dheereynta Ubadka iyo daryeelka carruurta magaaladda Muqdisho ugu furay qaar ka mid ah shaqaalaha ka howlgalla xarumaha caafimaadka ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka.

Tababarkan dareelka carruurta iyo dheereynta Ubadka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda caafimaadka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka, wakiilo iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dr Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa xusay in qorshaha kala dheereynta ubadka ay faa’iido ugu jirto qoyska oo ay ka badbaadeyso hooyada in uu ku dhaco cudurka cancer-ka naasaha, isgaoo xusay in canunga uu fursad u helayo in labo sano la nuujiyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxmaed Cabdi oo furay tababarka ayaa xusay in qoyska ay muhiim u tahay kala dheereeynta ubadka, waxaana uu ka mahadceliyay inta ka soo qayb gashay siminaarka.

“Hooyo iyo cunuga ay dhashay kala dheereynta iyo daryeelkooda muhiim noo wada tahay, waad dareemin kartaan muuqaalka iyo koriimada ilmaha ku dhasha isku nuuga iyo kuwa labada sano u dhexeysa, marka halagu dadaalo sidii kala dheereynta loo sameyn lahaa” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo ka hadlayay arrimaha xadgudubyada lagula kaco haweenka ayaa sheegay in bulshada looga baahanyahay sidii ay uga hortagi lahaayeen cidkasta oo ku xadgudbeyso haweenka.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment