3684 Views

Wada tashi socday labo bilood waxaa suura gali weyday in la helo Guddi Farsamo macquul ah

Wada tashi socday labo bilood waxaa suura gali weyday in la helo Guddi Farsamo macquul ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 01 2015 — C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha D F, ayaa daafacay sababtii ka dambeysay in 14 xubnood looga dhigay Guddiga farsamada maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo cadeeyay in arrintaas la tashi kala sameeyeen Madaxda dowladda iyo saxiixayaasha heshiiska maamul u sameynta labada Gobol.

Odawaa ayaa sheegay in Guddigan dhisidiisa ay qaadatay waqti dheer, isla markaana muddo labo bilood ay soo wadeen wada tashiyada, isagoo tilmaamay in qaabka ay ku saleeyeen qeybinta 14 xubnood ay tahay dhamaan beelaha dega labada Gobol oo si siman loogu qeybiyay

“Waxaa rabaa inaan halkan ka cadeeyo dhowr arrimood oo muhiim ah, maalintii khamiista waxaa soo saaray wareegto lagu magacaabay Guddiga farsamada ee maamul u sameynta sababaha aan 14 qof uga dhignayayaa rabaa inaa cadeeyo marka koowaad waxaa ka war heysaa in dowlad goboleedyada sameyntooda inay tahay shaqo in la dhameeyo loo baahan yahay 2016 inta aysan dhamaan, Guddigan farsamadan waxaa si siman loogu qeybiyay dhamaan beelaha dega labada gobo”ayuu yiri Wasiir Odawaa

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka dega labada gobol ay si kale u qaateen dhismaha Guddiga farsamada, isla markaana aanu aheyn sidii Baarlamaan oo kale.

“Kadib wada tashiyo labo bilood oo dhan qaadatay waxaa suura geli weyday in guddi farsamo oo macquul ah la helo, sababaha ay dadka u qaateen waxaa ka mid ah in guddiga farsamada uu yahay sida baarlamaanka matali doona dowlad goboleedka la dhisi doono oo kale”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa.

Mr Odawaa ayaa sheegay in heshiiskii koowaad ee Guddiga farsamada uu ahaa 31-xubnood, balse markii dambe ay soo baxdeen dad badan oo aan ku qanacsaneyn habka loo qeybiyay, markii kalena laga dhigay 43, taasna ay sii adkaatay sida looga qanco hab qeybsigeeda.

Siyaasiyiin, odayaal, waxgarad iyo bulshada ku dhaqan labada Gobol ayaa ka soo horjeestay dhismaha Guddiga ka kooban 14-ka xubnood, iyadoo xubnaha ku jira Guddigan aysan u suura geli doonin inay Xildhibaano ka noqdaan Baarlamaanka la dhisi doono ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Lama oga sida lagu xalin doono cabashooyinka ka soo yeeraya dadka ka soo jeeda labada gobole, waxaana muuqata durbaba in caqabado hor leh ka hor imaanayaan dhismaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment