18489 Views

Maxaa hortaagan maamul u samaynta Hiiraan/Shabelle ?

Maxaa hortaagan maamul u samaynta Hiiraan/Shabelle ?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 3 November  2015 | Waxaa in muddo ahba jira ismariwaa ka dhextaagan maamul u sameeynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, labadaa gobol oo hadii lagu guuleeysto in maamul loo dhiso noqon doona maamul goboleedka ugu danbeeya ee federaalka Soomaaliya ee dhisma, iyadoo ay caasimaddu ka duwanaan doonto ama ay lahaan doonto qaab ama maqaam ka duwan habka loo dhisayo ama ay ku dhismeen maamul goboleedyada frderaalka.

  • Gobolka Hiiraan: Baaxadiisa waxaa lagu qiyaasaa 31.510 Km2, tirakoobkii ugu danbeeyay ee sanadkii 2014 ay soo saartay wasaaradda qorshaynta qaranka waxay ku qiyaastay 520.685 qof tiro dad ahi inay ku nool yihiin gobolka Hiiraan. Gobolka Hiiraan  waxaa qiyaas 115km dherer ah ku dhex mara webiga shabeelle ahna gobolka uu ka soo galo dalka Soomaaliya. Gobolka Hiiraan wuxuu xuduud la leeyahay gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha hoose , Bakool iyo Gobolka Galguduud, wuxuu kaloo xad la leeyahay dalka Ethiopia, waana gobolka keliya ee wata magacii iyo maqaamkii uu lahaa tan iyo maamulladii wadanka soo maray, ka soo biloow markuu wadanku ahaa 8da gobol iyo 35 degmo xornimada ka hor iyo kedib ilaa iyo maamulkii ugu danbeeyay ee xukuumadii kacaanku ku bedeshay qariirada wadanka  bishii Agoosto 1979 kana dhigtay 16 gobol 90 degmo  iyo 1989 gobollada wadanku noqdeen 18 gobol iyo 93 degmo. Gobolka Hiiraan wuxuu ka koobanaa 4 degmo intii ka horeeysay 1991 kuwaasoo kala ahaa, Caasimada gobolka oo ah Beledweeyne, Buuloburte, Jalalaqsi iyo Matabaan, waxaana dega qabaa’illo Soomaaliyeed oo farabadan, ahna kuwa habka federaalka 4.5 Soomaalidu wax ku qaybsato badankoodu hal qeeyb kuwada jira.
  • Gobolka Shabeellaha dhexe: Wuxuu ka tirsanaan jiray gobol-weeynihii Banaadir intii ka horeeysay bishii Ogoosto 1979, baaxadda gobolka waxaa lagu qiyaasaa 22.663 Km2, tirakoobkii ugu danbeeyay ee dadka Soomaalida ah lagu sameeyay waxaa lagu qiyaasay in gobolka Sh/dhexe ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 516.036 qof, wuxuuna xuduud la leeyahay gobollada Banaadir, Hiiraan, Galguduud iyo badweeynta Hindiya xeeb dhererkeedu yahay 245km, waxaana dherer 150Km ah ku dhexmara webiga shabeelle. Gobolka shabeellaha dhexe wuxuu ka koobanaa 5 degmo intii ka horeeysay 1991 kuwaasoo kala ahaa Caasimada gobolka oo ah Jawhar, Balcad, Cadale, Warsheekh iyo Aadan Yabaal, waxaana dega qabaa’illo Soomaaliyeed hase yeeshee ka yar kuwa dega gobolka Hiiraan, islamarkaana labada gobol dadkoodu 95% yihiin beelo hal sanduuq ku wada jira 61-ka xildhibaan ee baarlamaanka federaalka.

Maamulladii burburka Soomaaliya kedib waxa ay dadyoowga gobolka Hiiraan isku dayayeen in mar uun arki doonaan in gobolkaan labo loo qaybin doono kedibna uu noqon doono maamul iskiis isu taaga hase yeeshee maadaama aysan dalka Soomaaliya maanta xukuumad iyo baarlamaan go’aamin kara ama magacaabi kara gobol uusan ka jirin waxaa adkaatay in riyadaasi noqoto mid  suurto gali karta mar hadii dadkii soomaaliyeed kala fogaadeen qabiil walibana uu maamul xaarxaartay, ayna adkaatay in dastuur ku meel gaar ah ansixin karo dhismo iyo bedelaad qariidadda dalka , kedibna waxay reer Hiiraan dantu baday inay la jaanqaadaan habkan federaalka ah ee isu tagga 2 gobol iyo wixii ka badan.

Waxaa jiray heshiis ay wada gaareen wasaaradda arimaha gudaha ee federaalka iyo madaxda maamullada labada gobol , iyadoo ay go’aansadeen in labadan gobol oo ay degaan ku dhowaad 9% oo ka mid ah qiyaastii tirada dadka Soomaalida maamul loo sameeyo la iskuna daro, laakiin waxaa la isku mari waayay habka la isagu dari doono iyo habka awood qeeybsiga, hase yeeshee si loogu gudbo awoodqaybsi waa in la dhisaa guddi farsamo oo ka baaraandegga arimahaan iyo dhismaha maamulkaas.

Guddiga farsamada waxaa loo qaybiyay sidan:

qara

Waxaa buuq ka bilaawday inta ergo oo ay qolo waliba ku yeelan karto guddiga farsamada, tiro badan oo guddi farsama ah iyo tiro yar ayaa lakala doortay, waxayna ugu danbayntii wasaaradda arrimaha guduhu soo bandhigtay guddi farsamo oo ay xubnihiisu hal beel hoosaad ku xoog badan tahay, iyadoo beelo badan oo dega gobolladaasina aysan xubin ku yeelan halka kuwa aan degin ama looga tiro badan yahay ay ka xubno bateen kuwo kaga badan gobolka, iyadoo ay dadka qaarkii u fasirteen in uu jiro qorshe loo diyaarinayo shaqsi awood xoog badan ku leh siyaasadda Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan lagu wado in uu xukunkaa garwadeen ka noqon doono gudigaan farsamaduna ay yihiin qolada mashruucaas hirgelin doonta.

.

By Mustafa Salad Awale

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment