3735 Views

Xildhibaan Jeesow oo Barlamaanka ka codsaday in Kenya wadanka laga saaro

Xildhibaan Jeesow oo Barlamaanka ka codsaday in Kenya wadanka laga saaro
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 12, 2015 — Dahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaaka D F ah kana mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka codsaday Baarlamaanka in uu soo saaro qaraar dalka looga saarayo Ciidamada Kenya, kadib markii uu ku eedeeyay in dowladda Kenya ay ku soo xadgudubtay xuduuda, isla markaana qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ay dhisaneyso.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM aanu Baarlamaankii hore iyo midka hada midna keenay, isla markaana wax ogolaansho oo dalka ay ku soo galeen siinin.

“Waxaa xaqiiq ah in Ciidamada Kenya Baarlamaankii hore ma keenin, kuwa Itoobiya ma keenin waana arkeysaan nin dhulkaaga dhinac ka dhisanaya oo maanta aad leedahay walaalkee waaye, Kismaayo ayuu ii difaacayaa iyo Beledweyn ii difaacayaaa xaqiiqda ma ahan taas, madaxnimo jaceyl nagu jirto”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad u hoosaasinayaan Kenya, isla markaana dallaalo badan oo shisheeye ay garab ku siinayaan, waxaana uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay taas ku baraarugaan, kana dhiidhiyaan.

“Dad baa noo hoosaasinooyo umadda soomaaliyeed iyo shacabkeeda waa arkaan dadkaas ciidamada Kenya mar hadii badda ay soo gashay, dhulkiina ay hada ku darsan rabto waa in Baarlamaanka Federaalka uu ka soo baxaa qaraar dalka looga saarayo”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

Dhinaca kale Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa isna ugu baaqay shacabka inay hubkooda qaataan, oo ay u dagaalamaan xoriyad, maadaama aan Baarlamaan iyo xukuumad awood u laheyn inay xuduuda difaacaan, isagoo ku dhaliilay in Xukuumadda ay go’aankooda god ku riday.

Dadka degan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa soo sheegay in dowladda Kenya ay ku soo durugtay xadkii u dhexeeyey labada dal ee ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Balad-Xaawo ee Soomaaliya iyo Mandheera ee Kenya, waxaana la sheegay in la tirtirtay calaamado muujinaya halka uu xadku ku eg-yahay, iyaga oo gudaha Soomaaliya ku soo durgaya, iyadoo loo maleynayaa in qorshaha Kenya uu yahay in xadka dhulka ay la sinto kan badda, si labada xuduud ay isku waafaqaan, si ay taas uga saacido muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Guddiga arrimaha Gudaha iyo kan Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan arrinta ku aadan darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda oo la sheegay inay gudaha u soo gashay qeyb ka mid ah dhulka ay soomaalidu leedahay.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment