3909 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo goor dhow gaaray Garowe

Madaxweynaha Jubbaland oo goor dhow gaaray Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 29, 2015— Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa mar dhow gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Kuxigeenkiisa C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wasiiro iyo saraakiil ciidankiisa ka tirsan.

Ujeedka safarka Mas’uuliyiintan ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada nabadeed ee lagu hakinayo colaada Gaalkacyo ee u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay ku biiraan waan waanta ka socota Gaalkacyo, sidii loo soo afjari lahaa dagaalada iyo xiisadaha wali ka jira magaalada.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xulufo ku ah dhinaca siyaasada, iyadoo goor dhow la filayo in aqalka Madaxtooyada Garowe ay shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtaan-doonaan labada madaxweyne.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta xalinta colaada Gaalkacyo, waxaana wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ay waan waan ka dhex wadaan labada dhinac, waxaana wasiirka iyo wafdigiisa xalay gaareen magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay ku hoydeen.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment