4359 Views

Agaasime Nasser: “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.”

Agaasime Nasser: “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | 04 December 2015 – Agaasimaha Qorsheynta & Xiriirka Caalmiga ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Nasser Hassan Hussein oo maalmahan socdaal shaqo ku jooga dalka Koofur Afrika ayaa kulan gaar ah la qaatay Mr GU Xun oo ah Ku-Xigeenka Guddoomiyaha StarTimes ee u qaabilsan xiriirka caalmiga ah. StarTimes ayaa ah Shirkad dhanka Warbaahinta tan ugu sareysa ee dalka Shiinaha oo wada qorshe ay ku ballaarineyso howlaheeda warbaahineed dalalka Afrika.

Agaasime Nasser iyo Mr GU ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya iyo StarTimes si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa barnaamijka Digital-ka oo looga guuri lahaa nidaamka analog oo adduunka intiisa badan ka guuray.

Agaasime Nasser ayaa yiri “Soomaaliya inay ka guurto nidaamka analoga waa fursad qaali ah oo StarTimes ay ka saacidi doonto Soomaaliya si dalka oo dhan loo gaarsiiyo nidaamka Digital-ka oo caalamka u wada guuray. Tani waxey keeneysaa warbaahinta Soomaaliya oo awalba ku tallaabsatay horumar ballaaran inay noqoto mid casri ah oo la tartami karta beesha caalamka.”

Agaasime Nasser ayaa u mahadceliyey Ku-xigeenka Guddoomiyaha StarTimes Mr Gu Xun kuna casuumay inuu soo booqdo Soomaaliya. Agaasime Nasser ayaa yiri “Waxaan Mr GU Xun uga mahadceliyey dadaalkiisa ku aadan in StarTimes ay Soomaaliya ka howlgasho kana saacido dalka sidii nidaamka Digital-ka looga hirgelin lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa Warbaahinta Soomaaliya. Waxaana u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku yimaado Soomaaliya si dhaqangelinta barnaamijkaas loo sii ambaqaado.”

Mr GU Xun ayaa dhankiisa u fidiyey casuumaad rasmi ah Agaasime Nasser iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Warfaafinta oo bilowga sanadka 2016 booqasho ku tagi doona dalka Shiinaha si loo sii ambaqaado go’aanadii kulankii ay Mr GU Xun iyo Nasser ku wada gaareen dalka Koofur Afirka.

Agaasime Nasser ayaa ka qeybgalay kulanka Shiinaha & Afrika ee dhanka Warbaahinta oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika. Kulankan oo hordhac u ahaa kulanka guud ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Shiinaha oo 4ta iyo 5ta December 2015 ka qabsoomi doona magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

china-africa-media-summit-1 china-africa-media-summit-5 china-africa-media-summit-2 china-africa-media-summit-3 china-africa-media-summit-4 china-africa-media-summit-6

.

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment