4116 Views

Dowladda Soomaaliya oo WFP u cusbooneysiisay heshiis ay uga howlgaleyso dalka.

Dowladda Soomaaliya oo WFP u cusbooneysiisay heshiis ay uga howlgaleyso dalka.
____________________________________________________________________________

Mogadishu, December 09, 2015 – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hey’adda WFP uga howlgaleyso dalka Soomaaliya kadib markii uu idlaaday waqtiga heshiiskii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer iyo Wakiilka WFP Somalia Mr. Laurent Bukera ayaa maanta heshiiskaasi ku kala saxiixday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Caasimadda Muqdisho , halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Garyaqaanka guud ee dowladda Dr. Osman Elmi Guled,Xoghayaha joogtada Wasaaradda ,Mudane, Ali Mohamed Ali iyo mas’uuliyiin kale .

Heshiiskan ayaa xoojinaya dadaalada hey’adda WFP ay uga hortageyso xaaladaha bani’aadanimo ee kala duwan ee mararka qaar la soo gudboonaada dadka iyo duunyada ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya .

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment