4227 Views

Shirka wada-tashiga Hiigsiga 2016 oo maanta ka furmaya Jabuuti iyo kii Muqdisho oo baaqday

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 December 2015: Shir wada-tashi ah oo loo la sheegay in hadlayo Hiigsiga sanadka 2016 ayaa maanta ka furmaya Jabuuti, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan dowladda Federaalka, ergooyin ka kala socota Maamul goboleedyada iyo Ururada Bulshada.

Waxyaabaha shirkan Jabuuti looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah habka Federaalismka, awood qeybsiga iyo habka loo wadaagayo kheyraadka dalka.

Ergada Xubnaha ka qeyb geleysa shirkan ka furmaya Jabuuti ayaa soo bandhigi doona qodobo la doonayo in la si waafajiyo oo ku aadan nooca doorashooyinka ee Soomaaliya ka dhici kara sanadka 2016 iyo mustaqbalka Siyaasada.

Arimaha laga doodi doono waxaa ka mid ah Baarlamaanka iyo qaabka uu noqon doono, waxaana la filayaa qodobada laga soo saari doono shirkan ayaa lagu soo bandhigo shirarka wada-tashi ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan wada-tashiga ee maanta ka furmaya magaalada Jabuuti ayaa noqonaya kii u horeeyay ee looga hadlo Hiigsiga 2016 ee dalka dibadiisa ka dhaca.

Dhinaca kale waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho oo ay isugu imaan lahaayeen Madaxda dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, beesha Caalamka iyo ururada bulshada.

Lama oga ila hada sababaha shirkan uu dib u dhac ugu yimid, iyadoo madax ka tirsan kuwa maamul goboleedyada ay maalmahan ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha uu dib ugu dhacay ay tahay nooca ay noqoneyso doorashada sanadka 2016 oo lagu kala aragti duwan yahay, waxaana shirarkii ka dhacay magaalooyinka dalka ka soo baxay aragtiyo kala duwan.

Shirkan maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho ayaa lagu waday in lagu soo bandhigo natiijooyinkii laga soo saaray shirarkii wada-tashi ee gobolada ka dhacay iyo fikrad uruurintii laga sameeyay.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment