3822 Views

Wararkii ugu dambeeyay shirka madasha iyo khudbadahi laga jeediyay

Wararkii ugu dambeeyay shirka madasha iyo khudbadahi laga jeediyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13 December 2015: Waxaa Muqdisho maanta ka furmay shirka labaad ee Madasha wada tashiga heerka qaran ee looga hadlayo hanaanka geedi socodka doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo shirkan uu soconayo muddo labo cisho ah.

Shirka ayaa lagu lafa gurayaa natiijooyinkii shirarkii wada tashi ee ka dhacay magaalooyinka dalka, inkastoo natiijooyinka ka soo kala baxay shirarkaas ay yihiin kuwo lagu kala aragti duwan yahay qaabka doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka 2016.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominaya shirka ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kulamo wada tashi u socday Madaxda dowladda iyo Madaxda maamul goboleedyada, waxaana uu rajo ka muujiyay in la isku soo dhowaan doono, isla markaana fikradaha la soo uruuriyay loo qaabeyn lahaa, lagana dhigo siyaasad qaran oo dalka ku shaqeysa.

“Anagoo ka ambaqaadeyno wada tashigaas saddexda berri u socday madasha hogaamiyeyaasha, aad iyo aad ayaa u lafa gurnay shacabka talooyinka ay soo jeeidyeen, muhiimada ay leedahay waa sidii loo qaabeeyn lahaa siyaasad qaran oo dalka ku shaqeysa looga dhigi lahaa, wali dooda waa socotaa, wax badan noo dhiman, wax badan waa soo marnay, waxaa rabaa in la muujiyo dulqaad, ma rajo xumi, waxaa rajeyneynaa in guur iyo is af garad inoogu dhamaado”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in tanaasul laga muujiyo hanaanka doorashooyinka sanadka 2016, isla markaana ay muhiim tahay in wax dalka iyo dadka dan u ah la isku raaco sida uu yiri.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee xafiiska baneyneyna Nicholas Kay ayaa sheegay in dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka aysan marnaba raali ka aheyn inuu dhaco waqti kororsi, isla markaana loo baahan yahay in qaab wanaagsan loo wajaho hanaanka doorasho 2016.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirar wada tashi oo ka dhacay lix magaalo oo ka tirsan Puntland ay talooyinkii shacabka soo jeediyeen uu ahaa in doorashada 2016 lagu saleeyo hab deegaan, isla markaana aan loo baahneyn xildhibaan dambe oo aan matalin deegaankiisa.

C/wali Gaas ayaa sheegay in aragtida shacabka ay matalaan ay xushmeynaya, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo nidaamkii 4.5 ee beelaha wax ku qeybsan jireen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in sanadka 2016 uu is bedel dhaco, isagoo ku baaqay in lagu soo doorto doorashada 2016 dadka ka mid noqonaya Baarlamaanka degmooyinka gobolada dalka 18-kii gobol.

Shirka oo loo baxay qado ayaa la filayaa inay madaxda kale ee harsan iyo kuwa beesha Caalamka ay khudbad ka jeediyaan, waxaana muuqata kala aragti duwanaan la xiriirta nooca doorasho ee la qaadan doono sanadka 2016, waxaana la ogeyn sida fikradaha kala duwan ee ay qabaan isugu soo dhowaan karaan.

Ugu dambeyn shirka ayaa laga rabaa in go’aan kama dambeys uu ka soo baxo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sanadka 2016, waxaana laga yaabaa hadii maalinta berri go’aano ka soo bixi waayaan, in maalin saddexaad loo gudbo, iyadoo qorshuhu yahay ka hor shirka ka dhacaya Istanbul bisha Febraayo sanadka 2016 go’aan kama dambeys la gaaro.

Habka Shirka U socdo Hoose Ka dgegayso Kana fiirso.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment