3138 Views

Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo maanta xilka la wareegayo

____________________________________________________________________________

dabageed-450x264

Muqdisho, 26 December 2015: Guddoomiyaha cusub oo dhawan loo magacaabay gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar daba-geed ayaa maanta la wareegaya xilka, kaddib markii dhawaan uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shekh Maxamud.

Qaban qaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo gudoomiyaha cusub ayaa iminka ka soconeysa xarunta degmada Beledweyne, kaasi oo ay ka soo qeyb galayaan maamulka goblka, kan degmada, saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada Beledweyne ku sugan.

Guddomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa la filayaa in uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyo Yuusuf Axmed Hagar oo loo yaqaan Dabageed.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, ayaa horey u balan qaaday in uu la imaan doono isbadal dhab ah, isla markaana uu xoogga saari doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo xoojinta amniga gobolka Hiiraan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment