5280 Views

Maamulka Koofur Galbeed oo ka hor-yimid maamulka cusub ee Ceelbarde

____________________________________________________________________________

Diinsoor2

Muqdisho, 26 December 2015: Maamulka K/Galbeed ayaa ka soo horjeestay maamulka shalay loogaga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee loogu magac daray Bakool sare, iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay taageerayeen maamulkan lidiga ku ah kan Koofur Galbeed.

Xasan Cabdi Maxamed oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed,  ayaa sheegay in maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana aysan marnaba ogolaan doonin.

“Maamulka Ceelbarde looga dhawaaqay waa mid sharci darro ah, Koofur Galbeed maamul ayaa ugu magacaaban Ceelbarde, Guddoomiye ayay leeyihiin, mana ogolaan doonin maamul gacan ku rimis ah in halkaas laga hirgeliyo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka oo ka soo jeeda Ceelbarde iyo deegaano ku dhow xuduuda Itoobiya ayaa la sheegay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay maamulkaas, waxaana lagu dhisay tabasho ay ka qabaan Maamulka Koofur Galbeed oo la sheegay in dadkii deegaanadaas ka soo jeeday aan laga qeyb gelin.

Maamulka Bakool Sare ayaa waxaa Madaxweyne loogu doortay Axmed Maxamed Mashruuc, halka Madaxweyne kuxigeen loogu doortay C/llaahi Sahal Nirig.

Xildhibaanada ka qeyb galay munaasabadii loogaga dhawaaqayay Maamulkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen, Xildhibaan Maxamed Aabi, Xildhibaan Sanyare iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane

Deegaanada maamulka looga dhawaaqay ayaa ku yaalla waqooyiga Gobolka Bakool, gaar ahaan Ceelbarde, Yeed iyo Caato kuna dhow xuduudka Itoobiya, halkas oo Xusen Cabdi Xalane rabo in uu ka fuliyo dan gaar ah oo ay wadato Dowlada Itoobiya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment